Posts

Showing posts from March, 2017

hogaanka isgaadhsiinta ciidanka ilaalada xeebaha somaliland ayaa sheegay horomar uu ku tallabsaday ciidankiisa

Image
hogaanka isgaadhsiinta ciidanka ilaalada xeebaha somaliland laba xidigle cabdisalaan maxamed cabaas duncarbeed ayaa ka waramay horomar uu ku talaabsaday ciidanka ilaalada xeebaha waxaan hirgalinay inii taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha loo magacabay Admiral Abdi Hirsi Du,aale kuwaas oo ay ugu waa weyn yihiin department operation iyo isgaadhsiinta xaga maamulka haddaba hadaan ku horeyo xaga isgaadhsiinta waxa la hirgaliyay Radar lagu rakibay saldhigyada saylac maydhna sida ugu dhaksaha badan baan gaynaynaa iyo doonyaha ayaa iyagana aan ku rikibnay Radar iyo GPS iyo qalab loo isticmaalno navigation waxa kale oo aan samaysanay Data base loogu magac daray ASAAS AAS (foundation) kaas u habaybnay qaab qurux badan Data base waxa oo aan ku shubnay mobile aan anaga gaar noo ah oo ay ku jirto Data base kaasi waxa lagu kala qaata xogta waxaanan la soconaa meel kasta oo ciidankayagu badda kaga sugan yahay waxanan haddii ay dhib la kulmaan si dhib yar ayaa loo arki karaa meesha uu joogo waxa kal...

Somaliland coast guard

Image
Somaliland coast guard raadarka iyo qalab kalo badan buu ciidanku qalabaysan yahay waxanu ku gulaystay budhcad ka ilaaliyo badda jamhuriyada somaliland waxa heegan ugu jira ilaalinta nabad galyada xuduudaha badeena ilaalinta cashuuraha badda cashuraha badda ka hortaga kallumaysiga sharci darada ah iyo kootarabaankaba ilaalinta dekadaha qaranka somaliland wasakhaynta badda iyo ilaalinta jasiiradaha sidaa daraadeed taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha somaliland admiral Abdi hirs i du,aale oo ha taliye karti badan aqoonta badda ah dadka tirada yar ee maanta garanayaa hagaaminta ciidankan oo kale waxa uu dadar galiyay sidii ciidankani u noqon lahaa tayo badan oo lagu halayn karo wax kasta oo uu igman yahay qaranka somaliland , tan malintii loo magacabay ciidanka oo ku dhaw sanad waxa la hore loo qaaday talaaboyin wax ku ool ah insha allah hiigsiga taliyaha iyo ciidanka ba waxan rajaynaynaa insha allah inan noqono halaka dawladaha hore maray marayaan

CIIDAMMADA ILAALADA XEEBAHA SOMALILAND OO LAGU QALABEEYAY RADAARRO AY KULA SOCON KARAAN DHAQDHAQAAQA BADWEYNTA

Image
CIIDAMMADA ILAALADA XEEBAHA SOMALILAND OO LAGU QALABEEYAY RADAARRO AY KULA SOCON KARAAN DHAQDHAQAAQA BADWEYNTA February 22  in  The Republic of Somaliland Hargeysa(Dawan)- Dawladda Somaliland ayaa markii ugu horraysay ciidammada ilaalada xeebaha ku qalabaysay Raadaarro lagala soconayo dhaqdhaqaaqyada iyo wax kasta oo soo gala badweynta, si loo sugo ammaanka xeebaha Somaliland. raadaarkan oo ah mid casri ah oo lagu ogaan karo 65 Mayl oo badwaynta ah, sidaasna waxa daboolka ka qaaday ciidanka ilaalada xeebaha Admiral Cabdi Xirsi Ducaale. Taliyuhu wuxuu sheegay in ciidankiisu ka hawlgalaan guud ahaan badda Somaliland isla  markaana ay dalka ku leeyihiin afar Saldhig oo waawayn oo ku kala yaalla Saylac,Berbera, Maydh iyo Laasqoray kuwaasoo suga nabadgelyadda xeebta Somaliland oo dhererkeedu 840Km. Taliyuhu wuxuu tilmaamay in ay ka feejigan yihiin in ay badda Somaliland soo galaan cid kasta oo lid ku ah nabadgelyada dalka, sida kalluumaysatada sharci darrada ah, ta...